Ergadii Xaqiiqo Raadinta Oo Jabuuti Ku Laabtay

Somalia news

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhowaan ergo soo baarta xaqiiqda dhabta ah u diray kana koobanaa Diblomaasiyiin iyo Taliyayaal ciidan, ayaa waxay booqdeen Kenya iyo Somalia todobaadkii la soo dhaafay si ay u hubiyaan sheegashada Muqdisho ee ah in Nairobi ay faragelisay dhulka Somalia….

Ergadaan oo ay kala hogaaminayeen Danjirayaasha Jabuuti ee Somalia iyo Kenya, Mr.Aden Hassan Aden iyo Mr.Yacin Elmi Bouh ayaa waxay soo mareen Muqdisho, Nairobi iyo aaga xuduuda Mandheera iyo B/Xaawo, halkaas oo ay ku soo qaateen socdaal xaqiiqo raadin ah oo socday shan maalmood.

Guddigaan ayaa warbixintooda u gudbin doona Madaxweye Dalka Jabuuti, Kenya waxay beenisay eedeymaha Somalia ee ku aadan xad-gudubyada dhuleed, waxayna gacanta u gelisay sawirro dayax gacmeed muujinaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay Somalia sameysay sideedii bilood ee la soo dhaafay.

Iyadoo sidoo kale ay Dowladda Federaalka ay dhinacooda ku eedeeyeen Dalka Kenya iney soo hubeeyeen Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland isla markaasna ay daandaansi ka wado, iyadoo sidoo kale ku eedeysay iney burburin ku heyso Xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta Ee Gobolka Gedo.

88040cookie-checkErgadii Xaqiiqo Raadinta Oo Jabuuti Ku Laabtay