Musharixiinta Oo Kulan Qabsanaaya & Dhaqaaq Ciidamo Oo Iskaga Soo Horjeeda Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Kulan degdeg oo ay yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, iyagoo ka jawaabaya hadalkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in wixii hadda la guda geli doona hirgelinta doorashooyinka iyo sidoo kale hadalkii Madaxweyne Qoorqoor ee ahaa inuu fashilmay waan waanti uu waday iyo eedda uu dusha uga tuuray in dhanka Puntland, Jubbaland iyo dhinacyadii tabashooyinka qabay in aysan wax jawaab ah ka helin….

Inta badan Musharaxiinta Madaxweynaha oo safar ugu maqnaa magaalada Garowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxeyna hadda soo gaaray qaar ka mid ah Musharixiinta oo uu hormuud u yahay Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh iyo Mr.Cabdikariim Guuleed.

Caawa 19,00 Fiidnimo xiliga Mogadishu ayaa lagu wadaa iney Kulan balaaran ku yeeshaan Hoteelka Jasiira, Waxaa la sheegay in saacadihii ugu dambeeyay uu isbedel ku yimid xasiloonida Caasimadda, iyadoo la dareemay dhaqdhaqaaq Ciidamo oo iska soo Horjeeda.

85680cookie-checkMusharixiinta Oo Kulan Qabsanaaya & Dhaqaaq Ciidamo Oo Iskaga Soo Horjeeda Mogadishu