Siyaasada Furan ee Iskaashiga Dalalka Gobolka Ee Madaxtooyada Somalia Oo dib u dhac ku Yimid

Somalia news

Maamulka Xasan Sheekh oo yaqiinsaday in Xiligaan ay u baahan yihiin saxiibo Gobalka ah, iyagoo Siyaasadooda xooga saarayaan sidii ay saaxiib-dhow uga dhigan lahaayeen Egypt, Djibouti iyo Kenya, talaabadaan ayaa la sheegay iney fogeyneyso Dalalka Kushitiga (Ethiopia & Eritrea), waxayna cabsi laga qabaa in Maamulka Addis abeba oo saameyn ku leh Maamulada qaarkood ay ku qalqaaliyaan iney ka soo horjesataan…

Ifafaalaha muuqda ayaa tilmaamaya in Dowlada Ethiopia ay durbadiiba qaaday talaabadii ugu horeysay ee ku mucaaradeyso Maamulka Xasan Sheekh, iyagoo codsaday in dib loo dhigo Safar shaqo oo uu ku tegi lahaa magaalada Addis abeba Madaxweynaha Somalia, sababo la xiriira jadwalka qaabilaada oo buuxa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada oo ka hadlay dib u dhaca safarkaan Madaxweynaha ayaa kusoo koobay in aan weli lagu heshiin qabsoomida Kulanka ee labada Dal, waxaana horey u jiray talaabooyin ay qaaday Dawlada Ethiopia, iyadoo Ergo Wasiiro ah u diray Hargeysa, isla markaasna qaabishay xili gudcur ah Saciid Dani Madaxweynaha Puntland, hadana waxaa u qorsheysan iney casumaad u fidiso Madaxweynayaasha Konfur galbeed iyo Galmudug.

Talaabooyinkaan ayaa la aaminsan yahay in aysan Ethiopia ku riixday sida Maamulka Xasan Sheekh uu u go’aansaday inuu taageero Dowlada Masar oo kula loolamayaan biyaha wabiga Niil-ka, ilaa hadda lama saadaalin karo halka ay saldhigan doono Siyaasada ”Somali Heshiis ah Dunidana la heshiis ah”.

201780cookie-checkSiyaasada Furan ee Iskaashiga Dalalka Gobolka Ee Madaxtooyada Somalia Oo dib u dhac ku Yimid