Maxaa Ka Run ah In Ethiopia Ay Culeys Ku Saartay Farmaajo Joojinta Wafdi Masaari Ah

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Wafdi Ka Socda Dalka Egypt Oo Booqasho ku imaan lahaa Caasimadda Magaalada Mogadishu, kadib markii cadaadis xoogan ay Villa Somalia Kala kulantay Maamulka Abiy ee Addis Ababa…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Wafdigaan oo maalmahaan booqasho ku kala bixinaayay Dalalka Afrika-da Bari, waxeyna soo mareen Dalka Uganda oo ay heshiis iskaashiga Amaanka iyo xog is-dhaafsiga la saxiixdeen, waxeyna qorshenayeen iney heshiis Amaan la saxiixdaan Dowladda Federaalka Somalia.

Hase yeesheen Cadaadis iyo culeys xoogan oo ka yimid Ethiopia iyo Eritrea ayaa la sheegay in lagu qasbay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo inuu diqiiqadihii ugu dambeeyay joojiyo qaabilida Wafdiga Masaarida.

109380cookie-checkMaxaa Ka Run ah In Ethiopia Ay Culeys Ku Saartay Farmaajo Joojinta Wafdi Masaari Ah