Ma Dhabaa in Mr.Dani Ku Fashilmay inuu Dekeda Garacad U Gacan Geliyo UAE..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Puntland (Dani) uu markii 2-aad ku fashilmay inuu ku qanciyo Ganacsatada Saamileyda ka ah Dekeda Garacad iney ku wareejiyaan 60% Saamigooda Shirkadda DP World, iyagoo sheegay ineysan xiligaan diyaar u aheyn iney galaan Heshiiskaasi…

DP World Saamileyda Dekada Garacad

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in iskuday kale oo ay oo Dani iyo DP World ay ku rabeen iney kula wareegaan Dekeda Garacad ayaa ka fashilmay, Sida qorshuhu ahaa waxaa lagu balamay in magaalada Addis abeba ay ku kulmaan Ergo ka socota Guddiga Maamulka Dekeda Garacad, Mr.Deni & Guddi ka Wakiil ah DP World.

Xogtaan ayaa sheegtay in heshiis ay ku kala saxiixan lahaa Dhinacyadaan kaasoo loo diyaariyay Sidaan.

-DO World laga iibiyo 61% Saamiga Dekeda.

-Iney yeeshaan Saamiga dhismaha Wadada Galdogob-Garacad oo dhan 60%.

-UAE iney bixiyaan $20-Millions oo xuquuqul Qalin ah oo Maamulka Deni si gaar ah u qaadanayso.

Iyadoo la xaqiijiyay in heshiiskaasi ay fashiliyeen Saamileyda Dekeda oo Cod laga qaaday kuwaasoo ku diiday in DP World haba yaraatee aysan soo gelin Dekeda iyo lahaanshaheeda, Gudiga Maamula Dekeda ayaa sidaas uga baaqsaday iney u safraan
magaalada Addis abeba.

286330cookie-checkMa Dhabaa in Mr.Dani Ku Fashilmay inuu Dekeda Garacad U Gacan Geliyo UAE..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com