Maxaa Ka Dhab ah in Dhalinyaro Ganacsato ah ay Kireeyaan Jaakadaha Xafladaha Aroosyada iyo Qalin-jebinta..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Ganacsato dhalinyaro ah oo magaslada Muqdisho ka hirgaliyey nooc ganacsi oo ku cusub Dalka, kaasoo sidoo kale adeegyada ay bixinayaan uu yahay mid naadir ku ah magaalooyinka Somalia, iyadoo Noocaan Ganacsi uu soo jiitay Macaamiil…

Wararka ayaa sheegay in Dhalinyaradaan ay kireeyaan Suudadka (Jaakadaha) ee Xafladaha Aroosyada, kuwa Qalin-jebinta iyo Shirarka Simenaarada, Sagootinta ama soo dhaweynta, iyadoo markii hore Dharka Aroosyada Dumarka kaliyah la kireyn jiray, Dhalinyarada ganacsigan furtay waxay sheegeen inay iyagu hore u qabeen baahida xaruntan oo kale balse aysan helin xilligoodi.

Qiimaha Kireynta iyo Shuruudaha

Waxaa la sheegay in Qiimaha suudadka lagu kiraynayo u kala qaalisan yahay heerka ama hadba xaflada lala aadayo sida aroosyada iyo munaasabadaha kala duwan, waxaana ugu qaalisan kan aroosyada oo lagu kiranayo 24-kii saac 30-$ maadaama sida ay maamulku sheegeen ay yihiin suudad gaar ah, halka kuwa xafladaha caadiga ah lagu kireeyo 15-$, Maamulka ayaa sheegay in si ay u hubiyaan badqabka Ganacsigooda ay u yaalaan shuruudo ku xiran qofka adeegsanaya suudadkooda.

Waxeyna Dadka ku xiraan inuu keeno Qof Ganacsi leh ama Oday Dhaqmeed ka aqoonsan yahay kaasoo hadii Dharka ay soo gaaraan dhibaato loo raacdo, Hadii qofka suudka doonaya ee aan haysan aqoonsi gaar ah ama aan damiin helin waxaan u sheegnaa in laga qaadayo dhigaal lacageed oo gaaraya $50, taasoo u noqonaysa marka uu dib u celiyo alaabta uu qaatay.

285800cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah in Dhalinyaro Ganacsato ah ay Kireeyaan Jaakadaha Xafladaha Aroosyada iyo Qalin-jebinta..