Ergadii Eedeysane Fahad Oo la Dejiyay Xerada Amisom B/Weyne

Somalia news

Maalmahaan waxaa dhaqan noqday in Madaxda Diyaaradaha culeys lagu saaro ineysan soo qaadin Musharax diyaaradooda kireysta, inkastoo Hadda doorashada kuraasta Xildhibaannada inta magaalooyinka la tago ayaa tartiib lagu soo qaadan jirayeen…

Waxaa la sheegaya in Eedeysane Fahad Yaasiin isagoo Magaalada Beledweyne aan gudaha u gelin uu (Take Away) ahaan u soo qaato, waxaana loogu qabanayaa Kursiga (Hop#086) u xiran Xerada AMISOM, dhowaan ayaa laga yabaa inuu tago magaalada uuna saacdo soo joogo, talaabadaan ayaa loo arkaa iney wax u dhimeyso Nidaamka Doorashada.

Iyadoo Wararka ay sheegeen 150 Ciidamada Duufaan & Ergadii uu xushsy saaka diyaarad looga soo qaaday Magaalada Muqdisho, iyagoo aan magaalada gelin waxaa si toos loogu leexiyay halka Ciidamada AMISOM ka degan tahay duleedka Beledweyne.

Wasiirka 1-aad ayaa laga cabsi qabaa inuu soo fara geliyo uuna joojiyo qabashada Xukashada Kursigaan uu boobka ku doonaayo Eedeysane Fahad iyo Maamulka Hir-Shabelle, Xiisadaan ayaa maalmaha soo socota xaraar u yeeli doonto Doorashada.

169770cookie-checkErgadii Eedeysane Fahad Oo la Dejiyay Xerada Amisom B/Weyne