Qaadashada tallaalka COVID-19 ee Somalia Oo aad u Hooseeya

Somalia news

Warbixino hordhac ah Ayaa tilmaamaya in Bulshada Soomaaliyeed ay Qaadashada tallaalka ayaa si gaabis ah uga socota Guud ahaan Gobolada Dalka, bil kadib markii la keenay dalka tallaalkaasi, sidasi waxaa muujinaya diiwaanka rasmiga ah ee laga sameeyey bixinta tallaalkaasi….

Wararka ayaa sheegaya in ka badan saddex meelood meel ka mid ah tallaalka Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus uu isbahaysiga COVAX ugu deeqay Somalia bishii hore ayaa ilaa haatan lagu tallaalay dadweyne iskugu jira shaqaalaha caafimaadka, Boliiska, Macallimiinta, dadka da’da ah iyo dadweyne caadi ah intaba.

Diiwaanka WHO ayaa muujinaya in ilaa haatan la bixiyey 107,583 tallaal oo ka mid ah 300,000 tallaalka Oxford Astrazeneca oo la keenay waddanka 15-kii Maarso. Maalintii ku xigtayna waxaa rasmi ahaan loo bilaabay tallaalkaas, Tallaalka laga bixiyey gobollada Dalka ayaa aad uga hooseeya saamiga ay heleen maamullada kala duwan.

Tallaalka ugu badan ayaa laga bixiyey Degaanada Gobolada Waqooyiga (Somaliland), waxaana ilaa haatan la tallaalay in ka badan 48,000 oo qof, iyadoo degaanadaasi la geeyay 65,000 tallaal.

Gobolka Banaadir oo helay 85,000 tallaal waxaa ilaa haatan la bxiyey in ka badan 18,600 tallaal oo keliya. Puntland oo heshay 40,000 tallaal waxay ilaa haatan bixisay in ka badan 14,000 tallaal. Hirshabelle iyo Galmudug oo helay min 25,000 tallaal waxay ilaa haatan bixiyeen 8,600 iyo 8,500 tallaal, sida ay u kala horreeyaan. Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo kala helay min 30,000 waxaa ay kala bixiyeen in ka badan 5,500 iyo 3,300 sida ay u kala horreeyaan.

Haddaba bixinta tallaalka ee hoosaysa ayaa walaac ku haysa mas’uuliyiinta caafimaadka. Saraakiisha caafimaadka Soomaaliya ayaa qiray inay hoosayso tirada qaadanaysa tallaalka, waxayna qayb ahaan ku sababeeyeen dacaayad laga faafiyey tallaalka. Dhinaca kale maamullada qaarkood ayaa goor dambe billaabay tallaalka, taasi oo iyadana hoos u dhigtay dadka qaadan lahaa tallaalkan, sida ay saraakiishu sheegeen.

111380cookie-checkQaadashada tallaalka COVID-19 ee Somalia Oo aad u Hooseeya