Digniino Amni Oo laga soo Saaray Caasimada Mogaalada Mogadishu

Uncategorized

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa su’aalo jawaabo u baahan ka keenay Firxadka Farmaajo, Kheyre iyo Kulane jiis oo shalay ka wada dhoofay magaalada Mogdishu iyo fariinta Fahad oo lagu tilmaamay iney xambaarsaneyd dhambaalo maldahan oo kooxdaan ku jeeda…

Ku darsoo Muwaadinow Sida ay xaqiijinayaan wararka laga heley xubno ka tirsan kooxdaan, qaar kamid ah ciidamadii uu hogaaminayey Marxuum Farxaan Max’uud Aaden (Qaroole) ee kusugnaa degaanka uu ku geeriyooday ay gadood ku dhaqaaqeen, waxayna dalbanayaan in la sameeyo baaritaano dheeraad ah oo dhacdada dhimashada taliyaha la xariirta.

Isku soo wada duub waxaa marag ma doonto ah in Dhawaan ay wada qorsheeyeen Dhinacyadaan kooxda sare ku xusan iyo argagixisada iney Falal Amaano darro laga fuliyo tiro Hoteelo ah xarumaha Dowlada, Tiro Mall ah iyo Isbaarooyinka magaalada qaarkood gaar ahaan kuwa xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha, waxaana loogu baaqaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed iney feejignaan dheeri ah muujiyaan yareeyaan Dhaqdhaqaaqooda maalmaha soo socda.

216520cookie-checkDigniino Amni Oo laga soo Saaray Caasimada Mogaalada Mogadishu