Wariye Lagu Eedeeyay Inuu Shirqool u Maleegay Suxufiyiin

Somalia news

Warar loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxa Laanta Afka-Soomaaliga ee Warbaahinta BBC uu ka badbaaday Shirqool loo maleegay iyo isku day dil uuna soo maleegay Weriye ka tirsanaan jiray BBC-da, iyadoo xaalad kacsanaan ah laga soo sheegaayo magaalada Nairobi…

Wararka ayaa sheegay in Wariye Cabdirisaaq Caatoosh oo laga eryay shaqada BBCSOMALI kadib markii lagu helay inuu magaca Idaacadda ku handado, kuna baado Wariyayaasha iyo Bulshada wax galka ah, isagoo sidoo kale abaabulay shirqoolo tiro shan jeer isaga oo adeesanaaya kooxo burcad ah oo dhaqaale ku soo kireystay kuwaasoo ku sugan magaalada Nairobi.

Madaxa BBCSOMALI ayaa iskudaygii dil ee ugu dambeeyay badbaaday dhowr maalin kahor markii koox burcad ah oo aan la aqoonsan ay isku dayeen inay afduubtaan xilli uu kasoo baxayay isbitaal ku yaal magaalada Nairobi.

Cabdirisaaq Catoosh ayaa horey loogu eedeeyay shirqool noocaan ah u maleegayay weriyeyaal ka howl geli jiray Warbaahinta BBC, isagoo lagu eedeeyay inuu xiriir hoose la leeyahay koox burcad Kenyan hubeysan ah oo la howlgasha Nairobi, Eedaha Wariyahaan ayaa la sheegay iney baaris ku hayaan Qeybta Baarista Dembiyada Boliiska Kenya.

175880cookie-checkWariye Lagu Eedeeyay Inuu Shirqool u Maleegay Suxufiyiin