Hoobiyayaal Lagu Weeraray Xaafadaha Ku Xeeran Madaxtooyada Somalia..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar aroortii hore ee saakay tiro hoobiyayaal Xaafado badan oo ka mid ah magaalada Mogadishu lagu garaacay kuwaasoo gaystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inta badan soo gaaray Dadka Shacabka ah..

Wararka ayaa sheegay in Weerarkaan Hoobiyayaasha ah ayaa si gaar ah looga dareemay Xaafadaha ku dhow Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan dhanka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaa la sheegay iney ku geeriyootay Qof  dumar ah markii uu Qolkeeda uu ku habsaday hoobiye habow ah oo lasoo tuuray.

Dhawr jeer ayaa sidaan oo kale waxa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar hoobiyaal ah oo lala eegtay xarumaha Xalane iyo Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Maleeshiyaad Daacad u Farmaajo iyo Fahad oo kaashanaaya garab ka mid ay Kooxda Argagixisadw Shababka ay heshiin ku wada gaareen iney iska kaashadaan khalkhal gelinta Amniga Caasimada.

296230cookie-checkHoobiyayaal Lagu Weeraray Xaafadaha Ku Xeeran Madaxtooyada Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com