Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Ka Dhacay Gudaha Diyaarada Turkish Airlines

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shaqaaqo gacan ka hadal dhex maray Shaqaalaha Diyaaradaha Turkish Airlines iyo qaar ka mid ah Rakaabka la socday kuwaasoo lagu soo qabtay falal tahriib ah intii ay ku sugnaayeen Dalka Turkiga, waxaana la sheegay in dhaawacyo ka gaarsiiyay Shaqaalaha qaarkood..

Wararka ayaa sheegay in Shaqaaqadaan ay ku dhaawacmeen 2 ka mid ah Shaqaalaha diyaaradaha kuwaasoo la sheegay in lagu daaweeyay Gudaha Garoonka diyaaaradaha ee Magaalada Mogadishu, iyadoo Xoogaga Amaanka garoonka diyaaradaha ay qabteen 24 ka mid Rakaabka kuwaasoo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen, sidoo Shaqaalaha Diyaarada ayaa Boliiska ja wareystay Sida ay wax u dhaceen.

Iyadoo Maanta uu dib u dhac ku yimid Duulimaadkii Mogadishu-Istanbul, waxaana lagu wadaa in Diyaarada ay safarkeeda sii wadato, iyadoo shaki laga muujiyay inuu istaagi karo Duulimaadyada Turkish Airlines, hadii aan xal deg deg loo helin xiisada ka dhalatay Shaqaaqada ka dhacday gudaha Diyaaradda.

156870cookie-checkDagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Ka Dhacay Gudaha Diyaarada Turkish Airlines