Farmaajo Oo Caqabado Kala Kulmay Baajinta Banaanbaxyada

Somalia news

Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa 48-saac ee ugu dambeeyay ku mashquulay sidii loo baajin lahaa Banaanbaxyada ay ku baaqeen Midowga Musharixiinta 26-2-2021, iyadoo qeybo kale duwan loo adeegsaday iney ku qanciyaan Midowga Musharixiinta joojinta Banaanbaxyada….

Xogo la helay ayaa tilmaamaya in Mr.Farmaajo uu Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Xil-gaarsinta uu culeys ku saaray iney ergo u diro Midowga Musharixiinta gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beelaha Habar gidir, ergadaan ayaa hormuud u ah Cabdi Qeybdiid, Qorqor iyo Xubno kale oo isugu jira Xildhibaano, Ganacsato iyo Odayaal dhaqmeed wada taageersan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

Sidoo kale Farmaajo oo cabsi weyn iyo argagax ka qaba banaanbaxyada ayaa Xubno ka soo jeeda Beelaha Mudulood u diray Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif si loo baajiyo banaanbaxyada, iyadoo kooxahaan dhaqaale yar lagu siiyay qancinta iyo iney horjoogaadaan inuu hirgalo qabashada Banaanbaxyada, inkastoo dadaaladaasi oo dhan ay Caqabado Waa-weyn ka horyimaadeen.

Midowga Musharixiinta ayaa shuruud uga dhigay in marka hore raali gelin laga bixiyo falkii 19-kii February ee Ciidamada Dowladda ku weerareen Hoteelka Maa’ida oo ay degenaayeen Madaxweynayaashii Hore, xiisadaan ayaa ka sii dartay iyadoo aan xiriir wanaagsan xiligaan uusan ka dhaxeynin dhinacyadaan isku haya Siyaasada Dalka.

97560cookie-checkFarmaajo Oo Caqabado Kala Kulmay Baajinta Banaanbaxyada