Kulan Garnaqsi Ah Oo Ka Dhacay Villa Somalia

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa kulan garnaqsi ah Galabnimadii 27 September 2020 ka dhacay Villa Somalia, una dhaxeysay Odayaal, Xildhibaano, Siyaasiyiinta iyo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Murusade iyo Mr.Farmaajo, waxeyna dalbadeen in fasir aad laga bixiyi Qaabka xilka laga tuuray ee Xasan Cali Kheyre….

Wakiilada an Beesha ayaa furitaankii wadahadalka waxay eedo iyo garnaqsi u soo jeediyeen Mr.Farmaajo, iyagoo ku eedeeyay in uu uga baxay heshiiskii ay wada galeen & inuu Mr.Xasan Cali Kheyre uu ula dhaqmay si ka baxsan Nidaamka Dowladeed, iyagoo sheegay in aay ka tabanayaan Farmaajo tacadiyo iyo meel ka dhac badan uu u geystay Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Beesha Ee ku laheyd Wasaaradaha iyo Ciidamada.

Mr.Farmaajo ayaa soo dhaweeyay waxgaradka Murusade una sheegay iney yihiin Qaraabadiisa isla markaana aanan loo xisaabin wixii dhexmaray isaga iyo Xasan Cali Kheyre iyo Xubnaha kale Ee Beesha, Mr.Farmaajo ayaa yiri “Abtiyaalow Waxaan idinkaga dhigay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, anigoo u haysta in Xasan uu yahay ilmaheyga Abtigood waxaanan kala dhiganay axdi iyo ballan. Waad ogtihiin aniga la’aantey Murusada ma gaari lahayn meesha aad gaarteen”.

Wuxuu intaa ku daray “Mr.Xasan Cali, wuxuu igu sameeyay wax aan bini’aadanka lagu sameyn, waxaan talo xumadiisa aan ku waayay saaxiibo badan oo qaali igu ah oo weliba abaal igu leh, qaarkoodna aanan noqon lahayn Madaxweyne haddaanay ii hagar bixi lahayn, Wuxuu lunsaday inta la ogyahay $35 Milyan oo doollar wuuna igu inkiray markaan weydiiyay, wuxuu iigu dhaartay in aanu is sharixi doonin, mana aha shaqsi balan gala.

Waxaa markale sii xoogeystay Dooda, ayaa Waxaana xubnihii wada socday ee Beesha la sheegay iney u kala jabeen laba qeybood, halka kooxna aay ku andacootay in Farmaajo laga gardaran yahay, halka kuwo kalana aay sheegeen in aanan lagu degdegin oo aan sidoo kale wax ka weydiino eedeeymaha loo jeediyay Xasan Kheyre.

Ugu dambeyntii Kulankaasi oo aan lagu gaarin wax heshiis ah, ayaa lagu ballamay in dib leyskugu noqdo, waxaana Ganacsade Ismaaciil Gooni uu Farmaajo weydiiyay in Jimcaha soo socdo uu balan u qabto, balse Farmaajo ayaa ka cudurdaartay kulan dambe wuxuuna u sheegay inuu mashquul ku yahay arrimo xasaasi ah.

63440cookie-checkKulan Garnaqsi Ah Oo Ka Dhacay Villa Somalia