Kooxda Shababka oo Gubay Raashin loo waday Suuqyada Magaalada Baydhaba..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa jid gooyo ay Maleeshiyaadka u dhigteen ayeey ku qabeen tiro Gaari Dameero oo waday Badeecadi Raashin ah waxeyna ku qabteen duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo kooxda Argagixisada lagu eedeeyay iney muddo maalmo ah go’doon geliyeen magaalada…

Wararka ayaa sheegay in shixnadaan Raashinka ah oo ay wadeen ilaa 10-Gaari dameer kana yimaadeen magaalada Buur hakaba, ayaa lagu qabtay Degaanka Deynuunay, Badeecadaan ayaa la sheegay iney iska lahaayeen Ganacsato, waxaana marka hore laga qaaday Lacago Baad ah (Canshuurta) kadibna iyo Shidaalka lagu gubay.

Badeecadaan ayaa la sheegay iney ka koobneyd Barius, Sonkor iyo Bur waxey kaloo gubeen Buudhiyadii Gaari dameerada ee Dameerku jiidaayay, Maalintii 7-aad ayeey go’doon ku hayaan magaalada Baydhabo kooxda argagixisada, iyagoo diiday in Badeecadaha Raadhinka, Daawada iyo Shidaalka ka mamnuucay in la geeyo magaalada.

Degaanada Konfur galbeed ayaa had iyo jeer ah kuwa ugu nugul Somalia marka la qiimeeyo xaaladaha ku wareegsan ee dhanka Amniga iyo Abaaraha, iyadoo uu bishii April uu booqday Xoghayaha Guud ee QM magaalada Baydhabo wuxuuna ugu baaqay Dalalka Deeqaha bixiya iney Gargaar deg deg ah u fidyaan Somalia si looga hortago Macluul timaada.

Xayiraadaan ayaa horseeday iney sare u kacaan Raashinka, Daawada & Shidaalka, iyadoo horey Magaalada u soo buux dhaafiyeen Dad la soo barakiciyay Guryahoodii laguna qiyaasay ilaa 600-kun kuwaasoo inta badan ka soo barakacay Abaarta, Kooxda ayaa weli maamusha degaanada Iyo Tiulooyinka ku xeeran Degmooyinka hoos taga Gobolada Bay, Bakool, Shabeelada hoose.

266590cookie-checkKooxda Shababka oo Gubay Raashin loo waday Suuqyada Magaalada Baydhaba..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com