Kaluumeysato Xoogsi u tagay Suuqyada Magaalooyinka Kadib markii ku dhacday Qalab la’aan..

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in 300-Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xeebaha degaanka Gunbux ee Gobolka Bari ka kaluumeysan jiray ayaa shaqo la’aan ku habsatay kadib markii Qalabkii ay ku kaluumeysan jireen ay qaateen Maraakiibta ka Kaluumeysatada Xeebaha oo sharci darro ku gala xeebaha Dalka..

Wararka ayaa sheegay in Muwaadiniintaan ayaa shaqo xoogsi ah qeybaha dhismaha u aadan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso & Qardho si ay u maareeyaan Noloshooda mida Mida Qoyskooda, Inkasta oo sanooyinkii dambe ay hoos u sii dhacayay wax soo saarka kalluumaysatada haddana sanadkan 2023 ayaa ahaa kii ugu liitay ee soo maray kalluumaysatada Gobolka Bari sida uu sheegay mid ka mid Kaluumeysatada degaanka, Wuxuu xusay in dhamaan kalluumaysatadu hadda aysan heli faa’iido ku filan ganacsigoodu walow ay sii kala liitaan.

Waxaa taagan oo asn waxba laga qaban Dhibaatada Maraakiibta sida sharci darrada ah ugu kaluumeysta Xeebaha Dalka Somalia ayna aad u soo kordheen, kadib markii Fasaxyo ay Maamulka Puntland iyo Dowlada Federaalka siiyeen.

301440cookie-checkKaluumeysato Xoogsi u tagay Suuqyada Magaalooyinka Kadib markii ku dhacday Qalab la’aan..