Farmaajo Oo Dib U Soo Nooleeyay Naceybkii Iyo Qabyaaladii

Somalia news

Talaabo u muuqda naceyb iyo olole doorsho ayuu Shalay tiro dhismayaal dib loo dayactiray ka furay Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo beegay Xuska 26-ka Juun maalinta Xoriyada Gobolada Waqooyiga Somalia, waxaana qoraal baraha Bulshada la soo dhigay ka dhashay fal celin cambareyn ah oo aad u xoogan…..

Muwaadiniin badan ayaa ka fal celiyay eryo aan laga fiirsan ee xanaf iyo caadifad leh uuna Soo qoray Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada Soo dhigay bartiisa Bulshada isagoo leh “Adaa fiiqdee kor ha u fiirin, Waxaa saakay bedeshay adaa ficneeyee ku fiidso”.

Erygaan Oo ku jiray riwaayad lagu jilay Theatre sanadkii 2002 halka dhageeduna ahaa “Adaa fiiqdee kor ha u fiirin, Adaa fujiyee Ha fariisin”, Qoraalkaan iyo kuwo kale oo Madaxtooyada laga soo diyaariyo Waa kuwo u muuqda iney ka turjumayaan Buugii uu qoray Mr.Farmaajo Sanadkii 1990kii ee ku saleysnaa naceybka Beelaha qaarkood.

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa lagu eedeeyaa iney diidan tahay in wada hadalo laga galo haba Doorashada 2020/21, waxeyna Dhaqaale gaar ah ku bixiyaan sidii baraha Bulshada looga difaaci lahaa dhaleceynta loo jeedinaayo kana imaaneysa inta badan Shacbiga Magaalada Muqdisho.

44130cookie-checkFarmaajo Oo Dib U Soo Nooleeyay Naceybkii Iyo Qabyaaladii