Xildhibaanada Hortaagan Maqaamka Magaalada

Somalia news

Wararkii ugu dambeeyey ee aan maanta aan ka  helnay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo diidanaa matalaadda gobolka la qanciyey kadib wada-hadallo lala galay…

Xildhibaanada beelaha Harti iyo Absame oo eey hogaaminayaan Wasiirka Kaluumeysiga, Wasiirka Qorsheynta, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda iyo Wasiir ku xigeenka Boostsada ayaa ku balamay iney hor istaagaan Matalaada Gobolka Benaadir ama iney xiraan Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanadaan iyo Mr.Farmaajo ayaa ku heshiiyay in maanta la hor istaago cod u qaadida matalaada Maqaamka Magaalada Muqdisho, waxeyna ku adkeysteen hadii aan laga siinin kuraasta Xildhibaanada iney hor Istaagayaan.

Talaabadaan ayaa u muuqaneysa mid waji kale u yeeshay is-hortaaga Maqaamka Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa iney horseedo in Banaanbaxyo balaaran laga dhigo Magaalada Muqdisho, laguna diidan yahay Maamulka Fadhiidka ee Farmaajo.

44190cookie-checkXildhibaanada Hortaagan Maqaamka Magaalada