Farmaajo Oo Diidan In Shirka Magaalada Mogadishu Lagu Qabto

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u Xaqiijiyay in Khilaaf uu soo kala dhex galay Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo iyo Wasiirka Arimaha dibada Maxamed Cabdirisaaq, Khilaafka ayaa salka ku haya in Shirka lagu qabto Magaalada Garoowe…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu ku amray Wasiirka iyo Madaxa Amniga Madaxtooyada iney Safar deg deg ah ku taagan Magaalada Gaalkacyo isla markaasna ay Odayaasha Dhaqanka culeys ku saaraan in shirka lagu qabto Magaalada Garoowe, hase yeeshee waxaa dalabkaasi ganafka ku dhuftayMr.Maxamed Cabdirisaaq wuxuuna u sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu safar ku tago Puntland xiligan.

Dhanka kale, Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la gaarsiyay Baaqyo lagu doonaayo in Shirka lagu qabo Xarunta Xalane, iyadoo inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada muujiyeen iney doonayaan in Shirka lagu qabto Magaalada Mogadishu.

Waxaana la sheegay in Mr.Farmaajo, Rooble iyo Maxamed Cabdirisaaq looga yeeray Xarunta Xalane Maanta, iyagoo lagu cadaadinaayo inuu aqbalo in shirka lagu qabto Magaalada Mogadishu, Warar ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu soo bandhigaayo qorshe cusub oo ah in lagu shirka Magaalada Baydhabo, islamarkaana uu Oggolaaday Mr.Lafta gaareen.

Hase yeeshee Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa diidan in Shirka lagu qabto Magaalada Baydhabo sababo la xiriira Ciidamada Ethiopia Ee ku sugan garoonka diyaaradaha iyo gudaha Magaalada Baydhabo, waxeyna sheegeen in Mr.Farmaajo uusan daacad ka aheyn in xal laga gaaro Khilaafka Doorashada Somalia.

94280cookie-checkFarmaajo Oo Diidan In Shirka Magaalada Mogadishu Lagu Qabto