Shababka Oo Oday-Dhaqameed Ku Caleemo Saartay Hiiraan

Somalia news

Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka oo xiliyadii ugu dambeeyay dadaal xoogan ugu jiray sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen Doorashada Somalia ayaa wada iney Odayaal dhaqmeedyo Taageersan kooxda Madax looga dhigi lahaa Beelaha Soomaaliyeed…

Kooxdaan ayaa la sheegay in xaflad caleemo saar ah ku qabteen duleedka Degmada Jalalqasi Ee Gobolka Hiiraan, iyadoo Beesha Baadi-Cadde loogu caleemo saaray Wabar Cusub, kaasoo magaciisa lagu sheegay Wabar Cumar Wabar Cabdi Wabar Maxamed, wuxuuna noqon doonaa Wabarka guud Ee Beesha.

Wabarka cusub ayaa la gudoonsiiyay Kitaabka Qur’aanka, Qori Ak-47, Boosh maalin dagaal ah iyo calanka kooxda, Kooxda Shababka ayaa Degaanada ay maamusho iyo kuwa Dowladda Federaalka uga yeerataa Odayaasha Dhaqanka Iyo Nabadoonada Beelaha kuwaasoo siminaaro wacyi gelin ah u qabta.

94330cookie-checkShababka Oo Oday-Dhaqameed Ku Caleemo Saartay Hiiraan