Farmaajo Oo Ergo U dirsaday Cabdi Xaashi

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay Madaxtooyada Villa Somalia Ku leeyihiin Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Taageerayaasha, iyadoo looga arrinsanayo qorsha cusub iyo dalabyada la horgeyn doono Baarlamaanka, kadib markii uu fashilay kulankii Dhuusa mareeb….

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Mr.Farmaajo uu markii ka soo laabtay xarunta golaha shacabka, uu ergo ka wakiil ah weydistay loo kala dab-qaado isaga iyo Gudoomiyaha aqalka sare ee Mr.Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay siweyn isugu dheceen, isla ka hor istaagay inuu tago Magaalada Dhuusa mareeb.

Farmaajo ayaa doonaya inuu Cabdi Xaashi ka dhaaciyo qorshayaashiisa ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo inuu soo celiyo taageerada Xildhibaanada Aqalka sare oo meesha ka baxday maadaama uu horay guddoomiye Cabdi Xaashi u sheegay in Madaxweynuhi Dastuurka baalmaray uuna meesha ka saaray kaalintii Aqalka sare.

Dhinacyada u kala dabqaadaya labada dhinac ayaa doonaya in kahor 8 Febraayo guddoomiye Cabdi Xaashi lagu qanciyo in la siin doono doorkiisa ku aadan doorashada gobolada Waqooyi si uu ugu fududeeyo in aqalku shir qaybna uga noqdo go’aamo ay gaarayaan barlamaanka waqtigoodu dhammaaday sida madaxweynuhu sheegay.

Lama oga go’aamada uu qaadan doono Gudoomiye Cabdi Xaashi oo horay Mr.Farmaajo u diidey inuu ka qaybgalo shirarkii fashilmay ee dhowaan ka dhacay magaala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.

92670cookie-checkFarmaajo Oo Ergo U dirsaday Cabdi Xaashi