Kulan La Qorsheynaayo in Odayaasha Dhaqanka Loogu Qabto Magaalada Badhan & Sababta..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa in Magaalada Badhan ayaa lagu wadaa iney todobaadkan martigaliso Kulan guud oo lagu wado iney ka soo qeyb galaan Odayaasha Dhaqanka Degaanada Puntland kuwaasoo la sheegay iney kaga tashan doonaan Xaalad caliran ee ka taagan Doorashada degaanada Puntland..

Iyadoo Wararku ay sheegayaan in qado sharaf magaaladaasi loogu qaban doono maanta qeybo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka ee Gobalka Bari, waxaana martiqaadkaasi u fidiyay Suldaanka Degaanka, iyagoo lagu wado iney labada dhinac ay gorfeyn doonaan arrimaha masiiriga ah ee taagan.

Puntland ayaa ku jirta muddo Qalalaasi siyaasadeed, iyadoo kooxaha xukunka isku haysta ay u xusul-duubayaan iney dagaalamaan, iyadoo 25 sano oo jiritaan ah ka sokow waxa laysku raacsanaa waa canshuur la qaado oo aan xataa Xisaabcelin laheyn.

Arbacadana, waxaa qorsheysan inuu Badhan tago Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ay wehliyaan ergo u badan garbihiisa, iyadoo yoolku yahay in khilaafka Isimada dhexdooda la dhameeyo kadibna loo gudbo Khilaafka ka taagan Doorashada, Ma cada doorka Maamulka Deni ku leeyahay Shirkaas abaabulkiisa iyo go’aamadiisa.

286090cookie-checkKulan La Qorsheynaayo in Odayaasha Dhaqanka Loogu Qabto Magaalada Badhan & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com