Farmaajo Oo Go’aansaday Doorasho Hal Dhinac Ah

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Wada hadaladii shalay ilaa xalay saq dhexe uga Socday Madaxweynaha Dowlada Federaalka, Agaasimaha NISA, Wasiirka 1-aad, Maamulka Gobolka Benadir iyo 3-da Maamul Ee taabacsan (Galmudug, K/Galbeed iyo H/Shabelle), iyadoo lagu gaaray Go’aano…

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah, Kooxdaan ayaa kulankooda looga dooday Khilaafka Guddiyada Doorashada, Xasilinta Xiisadaha Ciidamada Gobolka Gedo iyo sidii loo qaban lahaa Doorasho hal dhinac ah, iyadoo la go’aansaday in la iska dhego tiro baaqyada iyo dalabyada Maamulada Puntland , Jubbaland iyo Musharixiinta.

Doorashada halka dhinac ayaa lagu wadaa in lagu qabto Degaanada Galmudug H/Shabelle (Jowhar iyo Ceel Jalle), Konfur Galbeed iyo si la mid ah Doorashada Xildhibaanada Waqooyiga oo ka dhaceysa Magaalada Mogadishu.

Mr.Rooble iyo Mr.Qorqor oo loo Xil saaray iney qabtaan shir jaraa’iid ayaa la sheegay iney duubeen balse aan la baahin, iyadoo la sugaayo Go’aanka fasaxa warkaan Mr.Farmaajo iyo Fahad.

Natiijo La’aanta ay ku soo biyo shubatay dadaaladii ugu dambeeyay ee xalka looga gudbi lahaa Khilaafka Doorashada Somalia, ayaa xoojinaaya cabsida laga qabo in Dalka uusan si nabad ah uga bixin xiliga kala guurka horseedana Dagaal Sokeeye.

85590cookie-checkFarmaajo Oo Go’aansaday Doorasho Hal Dhinac Ah