Madaxweynaha oo Sacuudiga ku soo bandhigaya Mowqifka Maamulkiisa ee Arrinta Falastiin..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Riyadh ee Dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan oo xalay gaaray magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu kaga qeybgeli doono saddex Kulan oo “intooda badan looga hadlayo xaaladda Xasuuqa Yuhuuda ee Shacabka Falastiin”…

Kulamadaan oo kala ah:- Shirka Jaamacadda Carabta, Kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo Shirka Sacuudiga iyo Afrika, Sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madatooyada, Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu ku galay qalliin dhanka garabka ah.

Cabdulqaadir Dige, ma sheegin dhibaatada garabka ka gaartay Madaxweynaha, iyadoo la arkayay Madaxweynaha oo gacantu u shakaalan tahay oo kasoo degaya diyaaraddii uu ku tegay Boqortooyda Sacuudiga.

“Madaxweynaha ayaa shirarkan kusoo bandhigi doonaa mowqifka shacanka iyo dowladda Soomaaliya ee xaaladda ay dadka Falastiiniyiintu ku sugan yihiin iyo dhibaatooyinka loo geysanayo” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

286700cookie-checkMadaxweynaha oo Sacuudiga ku soo bandhigaya Mowqifka Maamulkiisa ee Arrinta Falastiin..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com