Maxaa Rooble La Gudboon Wareegtada Farmaajo Kadib

Somalia news

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku mamnuucay in Xukuumaddu ama Hay’adaha laanta fulintu ay heshiis la galaan Dowlad ajnabi ah ama hay’ad caalami ah. Arrintaas waxay ku soo aadday xilli la filayo in Wasiirka 1-aad uu Rooble uu toddobaadkan socdaal ku tago dalka Kenya si uu madaxda dalkaas ugala hadlo khilaafka u dhaxeeya labada dal…

Maadama uu Ra’iisul Wasaare Rooble booqanayo Kenya oo ay Somalia isku xummaayeen sanadihii la soo dhaafay, waxaa la qiyaasi karay in laga hadli doono arrimaha ay dal isku haayaan qaarkood sida socdaalka, ganacsiga xurmeynta madaxbannaanida dhuleed iyo qodobo kale xasaasi ah.

Hase yeeshee Wareegtada Farmaajo soo saaray waxay dabraysaa Ra’iisul Wasaaraha haddii uu aqbalo, sidoo kale haddii uu iska indho tiro waxaa loo ekeysiin doonaa inuu dalka khiyaamayo oo dembiyo lagu soo oogi karo, Halkan waxaan ku soo koobayaa dhowr khiyaar oo u furan Rooble in uu ka yeelo warqadda uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo.

  1. In uu Socdaalka baajiyo

Tallaabada koowaad ee u furan waa in uu aqbalo warqadda isla markaana uu baajiyo socdaalkiisa si uu uga fogaado in lagu eedeeyo nin wax boobaya ama khiyaanaya waddanka, taas ahayd sababta loo soo saaray warqadda ka soo baxday Villa Somalia

  1. Inuu booqdo Kenya laakin uusan wax heshiis ah soo galin.

Arrinta labaad ee u furan waa in uu booqasho gaaban ku tago dalka Kenya isaga oo uga dan leh in la xoojiyo isu soo dhawaanshihii billowday ee u dhaxeeyay labada dal. Waxa uu daah furi karaa wada-hadallo gogol xaar u noqda heshiis ay xukuumadda imaan doonta iyo dowladda Kenya wada gaaraan, iyadoo loo marayo guddiyo farsamo oo labada dhinac ah in la dhiso ama in kulan kale loo ballamo doorashada kaddib.

  1. In warqadda la dhinac maro ee heshiis lala galo Kenya

Inkasta oo aanan la shaacin ajandaha kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda Kenya, haddana waxaa Ra’iisul Wasaaraha u furan in uusan raacin warqadda Madaxweyne Farmaajo soo saaray ee uu booqashadiisa u guto sidii uu u qorsheeyay.

Tallaabadan oo u baahan geesinimo iyo u bareerid lama oga in Ra’iisul Wasaare Rooble uu qaadi karo, laakin waa tan kaliya ee caddeyn karta heerka ay gaarsiisan tahay madax bannaanida iyo ku dhaca Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

133790cookie-checkMaxaa Rooble La Gudboon Wareegtada Farmaajo Kadib