Garoonka Diyaaradaha Ee B/Weyne Oo La Xiray

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maamulka Hawada ay si kumeel gaar ah u xireen garoonka Ugaas Khaliif ee magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii shilkii diyaaradeed uu dhowaan ka dhacay…

Xiritaankan ayaa yimid kadib markii talaadadii ay ku soo dhacday diyaarad xamuulka qaada oo sahay u siday Ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan, iyadoo lagu sababeeyay Dameer Soo galay dhabaha Diyaaradaha ku soo degaan.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo wafti xaqiiqo raadin ah oo shalay booqday garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Agaasimaha Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan oo ka mid ahaa wafdiga booqday garoonka diyaarada Ugaas Khaliif ayaa sheegay in garoonka Baladweyne uu sii xirnaa doono in muddo ah si baaritaan looga sameeyo waxa sababay burburka diyaarada isla markaana loo nadiifiyo burburka diyaarada.

48310cookie-checkGaroonka Diyaaradaha Ee B/Weyne Oo La Xiray