Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisada hareysay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka

Somalia news

Kadib markii uu Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka uu soo saaray Qoraal uu ku faray Ciidamada Nabad-ilaalinta ee ATMIS iney si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si loogu qabto doorashada Gudoonka Baarlamaanka, looguna diyaar garoobo doorashada Madaxweynaha ee bisha soo socota…

Iyadoo uu Madaxa Boliiska Xijaar uu soo jeediyey in dib loo dhigi doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Arbacada, sababi amni dartood, Xijaar oo la rumeysan yahay inuu ku xiran yahay Kooxda Farmaajo ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri “Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada berri dhacaysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doorasahadaasi, sabab amni darteed.”

Wasiirka Amniga Somalia Mr.Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray shaqada ka joojiyey taliyaha ciidanka Boliiska Xijaar, oo uu ku eedeeyey inuu wado falal amni-darro oo halis ah, isla markaasna uu dhiiri gelinaayo in Kulanka maanta ee Doorashada Gudoonka Baarlamaanka.

185380cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisada hareysay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com