Maxaa Xiligaan Keenay In Xildhibaan uu Difaaco Agab Laga Qabtay Kooxda Shababka..

Somalia news

Qoraal uu bogiisa Fecebook ku qoray Xildhibaan Dayah Omer ayuu ku cadeeyey in Agab Ciidan oo uu ku sheegay iney soo iibsadeen Xoogaga SSC lagu qabtay Garoonka Muqdisho, iyadoo Wararka ay Warbaahinta Dowladdu ku sheegtay iney kooxda Argagixisada leedahay ay tahay mid aan Sal iyo raad toona lahayn hadal masuulna ahayn, gefna ku ah…

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegay in Xildhibaan Dayax muddo lagu tuhunsanaa inuu ka mid ahaa Dhalinyaradii kooxda Argagixisada Shababka kasoo xarootay ee uu ka shaqaaleysiyay Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, kadibna Maamulkii Farmaajo u soo xulay inuu Xildhibaan ku noqday.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Xiriirka Xildhibaanka iyo Hogaanka Hay’ada NISA oo xiligaan aad u hooseeya sida ka muuqata qoraaladisa, isla markaasna uu ku raad gadanaayo Agabka ciidan ee uu sheegay in SSC lagaga qabsaday Garoonka Mugadisho dukumentigiisana bartiisa dhigay waxaa marqaati ma doonto ah inuu isagu wax ka ogyahay uuna ku tirayo SSC lagana yaabee in uu dib usoo celiyey xiriirkiisii hore ee Shabaabka oo Shixnadaan haday jirto loo wado.

257190cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay In Xildhibaan uu Difaaco Agab Laga Qabtay Kooxda Shababka..