Rooble Oo Ka Baaqsaday Martiqaad Sagootin Ah

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka baaqdey munaasabad casho sharaf loo diyaariyay caawa taasoo ka dhici laheyd Xarunta Madaxtooyadda dowladda Puntland ee Garowe….

Wararka hordhaca ah oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news, ayaa u xaqiijiyay in Wasiirka 1-aad ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa ka cudurdaartay ka qeybgalka xafladda isagoo aan sababeyn cudurdaarkiisa.

Diidmadaan uu ku wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo xubno kamid ah xafiiskiisa waxaa loo badinayaa in ay salka ku hayso inuu u shaqeyn waayay qorshihii uu u tegay magaalada Garoowe.

Mr.Rooble ayaa u muuqda nin aan u madax banaaneyn Xilka u hayo, iyadoo lagu eedeeyo in laga hago Villa Somalia, ayaa ku gacan seyray Baaqyo loo soo jeediyay Ee ku aadan xalinta Xiisadaha Ciidamada Gobolka Gedo, Guddiyada Doorashada iyo Xulista Xildhibaanada Waqooyiga, wuxuuna u muuqdaa Shaqsi ka gaabiyay Xilka loo igmaday.

Fahfaahinta kala soco wararka Diinah.com

78720cookie-checkRooble Oo Ka Baaqsaday Martiqaad Sagootin Ah