Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Oo soo gaaray Magaalada Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa safar shaqo oo uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr.Antonio Guterres ayaa goordhow ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Huruuse…

Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Mas’uuliyiinta sare ee Dalka sida Madaxweynaha, Wasiirka 1-aad iyo Gudoonka Baarlamaanka, iyadoo Imaatinkiisa ayaa saaka loo xiray wadooyinka ugu muhiimsan caasimadda, iyadoo shacabka ay cagahooda maalayeen.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamay in Mr.Gutters uu Laba Maalmood joogi doono Dalka, isagoo booqan doona Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, wuxuuna kormeeri doona Xafiisyada Hey’adaha Qaramada Midoobay iyo goobo kale.

250830cookie-checkXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Oo soo gaaray Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com