M Dhabaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Ku Kala Qeybsameen Gogosha Garoowe & Sababta..

Somalia news

Kalfadhigii 4-aad ee Kulankii 16-aad ee shalay ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayna uga doodeen dhameystirka ka doodista arrimaha siyaasada iyo Go’aamada Madiiriga ee Dalka, ayna ugu horeyso arrimaha dib u eegista Dastuurka KMG iyo hab-raaciisa ay Ansixiyeen…

Xildhibaanada ayaa waxey kulanka ku falanqeeyeen isla xisaabtanka Hey’adaha Dowlada iyo in la ilaaliyo Matalaada Shacabka, iyagoo si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo Midnimada Dalka, Wadajirka Shacbiga iyo Dhulka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka oo soo xiray Kulanka ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada doodooda arrimaha Siyaasada iyo Go’aanada Masiiriga, wuxuuna sheegay inuu Guddiyo u magacaabi doono soo kooba kana shaqeeya Nuxurka Dooda ee 2-dii Kulan ee u dambeeyay.

Xildhibaanada Taageersan Villa Somalia ayaa aad u naqdiyay gogosha ay fidisay Maamulka Puntland, iyagoo sheegay in marka hore ay soo celiyaan xiriirkii ay jareen raali gelin ka bixiyaan wada shaqeyntii ay kala noqdeen Dowlada Federaalka, wixii ka dambeeya ayaa laga taashan karaa in Gogol ay dhigaan Maamulka Puntland.

306780cookie-checkM Dhabaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Ku Kala Qeybsameen Gogosha Garoowe & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com