Wakiilada Beesha Caalamka Oo Digniino U Gudbiyay Baarlamaanka & Madaxtooyada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ah ayaa laga helayaa digniino adag oo Wakiilada Beesha Caalamka u jeediyeen Madaxtooyada Villa Somalia iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Kuxigeenadiisa kadib markii ay xiriir khadka talefoonada oo si kala gaar gaar ah la sameeyeen….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xubnahaan ay kala hadlern arrimaha la hadal haayo ee muddo kordhinta iyo haddii go’aankaas uu qaato Golaha ay noqon doonto mid wiiqeysa xasilloonida dalka iyo dadaaladii socday, waxaana ay u sheegeen in aan la aqbali doonin muddo kordhin, ayna heli doonin taageerada Beesha Caalamka, taas bedelkeed ah lagula xisaabtami doono Guddoonka.

Waxaa la filayaa in Beesha Caalamka ay soo saaraan war murtiyeed ku saabsan shirka berri ee Baarlamaanka iyo in aan la ogolaan doonin muddo kordhin muddo xileedkii hore ee ka dhamaaday Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

105740cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Digniino U Gudbiyay Baarlamaanka & Madaxtooyada