Maxaa Tahay Sababta Aduunka ugu Sii Kordhayaan kuleylka & Masiibooyinka..

World

Khubaro ku xeel dheer ah dhanka Cimilada ayaa aaminsan in 20-kii sano ee la soo dhaafay Aduunyadu laga dareemay isbeddel dhanka diirrimaadka ah, kaas oo 1.2°C ka sarreeya heerkii uu joogay qarnigii 19-aad. Waxaase si gaar ah loo dareemay sannadihii ugu dambeeyey oo uu kordhay heer aan horay loo arag…

Kuleylka dheeraadka ah ee Dunidaan ayaa la xaqiijiyey inuu kor u dhaafay 1.5°C in the 12-kii bilood ee la soo dhaafay oo ku began intii u dhexeysey Febraayo 2023 ilaa Janaayo 2024. Taas micnaheedu waa in sannad qura gudaheed uu jaray in ka badan isku darka intii ku korortay 200 oo sano ee la soo dhaafay. Iyadoo 2023 loo aqoonsaday sanadkii ugu kululaa abid.

Culimada ku xeeldheer isbeddelka cimilada ayaana sheegaya in heerkulka dunida uusan ka soo rayneyn sannadaha soo socda. Waxayna ku baaqeen in la qaado tillaabooyin lagu xaddidayo ficillada saameynta daran ku raaba cimilada dunida.

Kororka heerkulka dunida ayaa loo aaneynayaa daano Aadanahu gacantiisa ku geystey oo dhalan rogtay habsamidii iyo isku-heellitirnaantii cimilada dunidu ku dhisneyd, sida Degaankii oo la xaalufiyey iyo uurada xad dhaaf ah oo hawada lagu siidaayey taasoo ah mid sumeysan.

319250cookie-checkMaxaa Tahay Sababta Aduunka ugu Sii Kordhayaan kuleylka & Masiibooyinka..