Somalia iyo Comoros oo ku Heshiiyey inay ka qayb galaan Shirka Negev..

Somalia news World

Dalalka Somalia iyo Comoros, ayaa aqbalay iney Saraakiil sare oo korjoogto ah u diraan shirka heer Wasiir ee Madasha Negev oo ka dhacaaya Dalka Israel, Shirkaasi waxaa kaloo kasoo qaybgalaya Maraykanka, Isra’il, Egpyt, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco…

Labadaan Dal ayaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la lahayn Isra’il, Saraakiil ka socda Somalia iyo Comoros ayaa muddo sanado ah wadahadalo hoose kula jiray Israa’iil, kuwaasoo Madaxdoodu si qarsoodi ah ku booqday Israa’iil, Fikradda,ayaa ahayd in madashu ay noqoto madal iskaashi dhinacyo badan leh oo Gobolka ah,sida Caafimaadka, Dhaqaalaha, Isbeddelka Cimilada, Biyaha iyo Amniga.

Madasha Negev waxaa lagu aasaasay Shir aan caadi ahayn oo bishii Maarso 2022-dii, kaasoo ka dhacay Israa’il ayna iskugu yimaadeen Madax sare oo kala ahaa, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Tony Blinken iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee Israa’iil, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco.

Kulankii 2-aad ee Wasiirada ee Madasha Negev, ayaa markii hore loo qorsheeyay Maarso, laakiin dhowr jeer ayaa dib loo dhigay, iyadoo xubnaha Carabtu ay walaac ka muujiyeen inay si cad ula macaamilaan Dowladda garabka midigta ee Israa’iil, waxaase hada la filayaa in uu dhaco xagaaga kadib.

263400cookie-checkSomalia iyo Comoros oo ku Heshiiyey inay ka qayb galaan Shirka Negev..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com