Waa Kuma Gudoomiyaha Guddiyada Doorashada Ee Heer Federaal

Somalia news

Gudoomiyaha Guddiyada Doorashada dadban ee Heer Federaal wuxuu ku dhashay Degmada Buuhoodle Ee Gobolka Togdheer isagoo ku soo barbaaray Degmada Jamaame Ee Gobolka Jubada hoose, mihnadiisu waa Qoraa Iyo Barnaamij jeediye Warbaahinta, iyadoo heerka Waxbarashadiisa ay gaar diidan tahay Dugsi Sare…

Wuxuu ku Fashilmay inuu sanadka 1-aad Ee Kenya Methodist University, isagoo ka soo shaqeeyay Radiyo Ergo (Ex Irin), March sanadkii 2020 ayaa shaqada looga eryay Anshax xumo, isla bishaasi ayaa loo magacaabay inuu Agaasime kuxigeen ka noqo Madaxtooyada Villa Somalia.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in rabitaanka Farmaajo iyo Fahad uu ku soo baxay inuu Noqdo Gudoomiyaha Guddiyada Doorashada, iyadoo Musharaxii la tartamaayay (Liibaan Shuqul) oo la sheegay in aqoontiisa iyo kartidiisa ay hooseyso, isla markaasna ay wateen Farmaajo iyo Fahad.

Isku soo duub Doorashada la filayaa iney dhacdo kama duwanaan doonto tii 2016-kii, iyadoo Guddiyada Doorashada dadban ay dhamaan ku soo baxeen rabitaanka Villa Somalia, waxaana la saadaalinayaa in Sanadkaan Xildhibaano tayo hooseysa la soo xulan doono iyo kuwo xiriir la Leh Kooxaha Argagixisada.

127950cookie-checkWaa Kuma Gudoomiyaha Guddiyada Doorashada Ee Heer Federaal