Ciidamada Galmudug Oo Dib Ula Wareegay Degaano

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanadii ay qabsadeen Kooxda argagixisada Shababka ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Galmudug ay dib ula wareegeen degmada Bacaadweyne iyo tuulooyin hoosyimaad oo dhowaan Kooxda argagixisada Shababka qabsatay…

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka degaanka, ayaa sida wararku sheegayaan dib u qabsaday Bacaadweyne iyo tuulooyinka hoostada Ee kala ah Qeycad iyo Sabeeno Gowrac, halkaas oo todobaadyadii u dambeeyay Kooxda shabaab gacanta ku haysay.

Ciidamadaan ayaa xalay ka kala ruqaansaday degmada Wisil si ay jihooyin kala duwan uga weeraraan degaanada ay gacanta ku hayeen Maleeshiyaadka Kooxda Shababka kuwaasoo dhobaatooyin xoogan ku hayay Dadka Rayidka Ee Degaanka.

Saraakiisha hogaaminaysa gulufkaan dagaal ayaa laga soo xigtay in hor imaad kooban uu kacay degmada Bacaadweyne gudaheeda, isla markaana ay isaga baxeen ururka Al-shabaab.

127860cookie-checkCiidamada Galmudug Oo Dib Ula Wareegay Degaano