Qodobada u Baahan dib u Hagaajinta Dowlada Cusub & Abuurida Kalsoonida Xiriirka Caalamka

Somalia news

Dalka Somalia ayaa bishaan ka gudubtay cabsi iyo hubanti la’aan ka dhalatay khilaafkii doorashada ee muddada 14-ka bilood qaadatay, iyadoo 23-kii Bishaan uu Farmaajo xilka Villa Somalia si nabad ku wareejiyay, Madaxweynaha cusub, kaasoo durbadiiba bilaabay Magacaabista Xilalka muhiimka ah…

Maamulka oo cusub oo looga fadhiyo inuu xaliyo kala qeybsanaanta Shacbiga xiligaan taagan oo laga dhaxlay Maamulkii ka horeeyay, iyadoo loo baahan yahay in la helo Midnimo ujeedo leh si loola tacaalo buuraha caqabadaha ah ee weli ka jira Dalka, waxaana ka mid ah:-

Amniga & La-dagaalanka kooxaha Argagixisada:-

Marka laga soo taga kooxaha argagixisada (Shababka & Isis), waxaa xalin deg deg ah u baahan Ciidamada Gobolka Gedo oo ujeedooyin gaar loo geeyay, waxaa kaloo u baahan Nidaam iyo sifeyn u baahan Hey’adaha NISA, Boliiska iyo Xooga Dalka oo kooxaha Argagixisada ay ku milmeen, inkastoo talaabada lagu magacaabay Agaasimaha NISA ay noqotay ugu horeysay ee lagu fashilmay, waxaana ka muuqda Go’aanka Madaxweynaha cusub deg deg iyo xisbi jecleysi taasoo aan xal u aheyn Dowlad loo dhan yahay, qaadista Isbaarooyinka Magaalada Mogadishu ee Shacbiga lagu dhibo.

Waxaa loo baahan yahay in lagu heshiiyo yagleelida nidaam cusub oo Federaali ah kaasoo qeexaaya xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Gobolada, lagana koro dagaalka burburinta ku dhisan ee Maamulada iyo u dhiibida shaqsiyaadka aqoontoodu hooseyso kuwaasoo wakhtiga ku lumiya safaro.

Xal u helida Degaanada Somaliland inkastoo uu xiligaan ka dhisan yahay nidaam jilicsan oo khilaaf xoogan ka dhex abuuray Hogaanka Maamulka iyo Xisbiyada Mucaaradka, Waxaana Maamulkooda u muuqdaa mid laga tusaale qaadan kara si loo dhiso Nidaam iyo kala dambeyn loogana bixi karo qalalaasaha ragaadiyay Somalia 33-sano ee u dambeeyay.

Dib u habeynta Dhaqaalaha iyo in Canshuuraha lagu baahiyo Gobolada oo dhan iyo in la arko Dastuur dhameystiran kaasoo qeexaya Nidaamka, shaqada iyo gab-raaca Dowladnimo, iyadoo Masiirka Dalka uu haatan si toos ah ugu xirmay taageerida Beesha Caalamka loona baahan yahay in laga faa’iideysto.

191280cookie-checkQodobada u Baahan dib u Hagaajinta Dowlada Cusub & Abuurida Kalsoonida Xiriirka Caalamka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com