Hogaanka Baarista Dembiyada Oo lagu soo bandhigay Haweeney Tacadiyo u Geysatay Gabadheeda

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Boliiska gobolka Benaadir ku soo qabteen Haweeney Gabadheeda jir dilo xoogan u geysaneysa, taasoo aad ugu baahday Baraha Bulshada 48-dii saac ee u dambeysay, falkaan oo aad looga caro celiyay…

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Boliiska ay howlgal ka fuliyeen Degmada Dayniile ay ku soo qabteen Eedeysane Shukri Cabdullaahi Xaashi oo jir dilo u geystay Dhibanada ay Eedo u tahay Sahra Cabdullaahi Maxamed oo 9-sano jir ah, waxaana jirkeeda ka muuqda dhaawacyo nabareed oo loo geystay, iyadoo kiiskaan uu noqday kii ugu horeeyay ee noociisa lagu qabto Caasimada.

Eedeysanada ayaa iyadoo xiran lagu wareejiyay Qeybta Baarista Dembiyada (CID) Mogadishu, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda loo gudbin doono Maxkmada si dembiyada ay geystay looga ciqaabo.

215480cookie-checkHogaanka Baarista Dembiyada Oo lagu soo bandhigay Haweeney Tacadiyo u Geysatay Gabadheeda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com