Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo isugu yimid Kulan aan caadi aheyn..

Somalia news

Sidii shalay aan qornay, waxaa maalinta berito 2-Aqal ee Baarlamaanka u madlan yihiin qeybinta iyo ka doodista wax ka bedelka Dastuurka oo la qorsheynayo in doodiisu socoto 3- todobaad iyo maalmo ugu dambeyn la ansixiyo 6-Bisha Maarso, Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa diyaariyay soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka oo ka kooban ilaa afar cutub…

Guddiga ayaa soo bandhigay cutubyada wax ka bedelka Dastuurka ee berri labada Aqal ka doodi doonaan afarta cutub ee uu ka kooban yahay wax ka bedeka Dastuurka, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa ka hadlay ahmiyadda weyn uu u leeyahay shintiriskan kulamada looga doodi doono dib u eegista dastuurka KMG ah, waxaana uu Guddoomiyuhu tilmaamay muhiimada uu dhameystirka Dastuurka u leeyahay geedi socodka dhismaha Dowladnimada Dalka.

307570cookie-checkGuddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo isugu yimid Kulan aan caadi aheyn..