Farmaajo Oo Saraakiil Beeshiisa Ah U Magacaabay Amaanka Madaxtooyada

Somalia news

Iyadoo Muddo xileedka Mr.Farmaajo ay ka dhiman tahay 32-maalmood ayaa waxaa soo shaac baxaaya inuu culeys ku saaray Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka inuu Xilka Ururka 38-aad ee Boliiska Dableyda Madaxtooyada u magacaabo Sarkaal ku jufo ah…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in S/Guuto Maxamed Caddoww Cali ( Sanka), Taliyihii Guutada 10-aad ee Qeybta 43-aad oo fadhigeedu yahay magaalada Luuq ayaa la sheegay in loo bedelay Taliyaha Ciidamada Ururka 38-aad Ee B/Dableyda Madaxtooyada, Sarkaalkaan ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Gobolka Gedo abaabulay.

Waxaana lagu bedelay Sarkaalka lagu magacaabo G/Sare Cabdirashiid Cabdullahi Shire oo isna ay Mr.Farmaajo Qaraabo hoose isla yihiin, waxaana laga keenay magaalada Toronto ee dalka Canada sida Warsidaha Diinah.com news loo xaqiijiyay.

Sarkaalka laga bedelay Taliska Ciidamada Gobolka Gedo iyo G/Sare Cabdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan lagu eedeeyay iney Qaad sharci darro ah kaga soo qaadaan magaalada B/Xaawo isla laga keeno Magaalada Mogadishu.

Iyadoo sidoo kale lagu Eedeeyay iney Ciidamada Dowladda Federaalka u adeegsadeen Difaaca Danaha siyaasadeed Ee Mr.Farmaajo isla markaasna ay dhibaateyn Caburin, Cabsi gelin iyo Xarig sharci darro ah lagula kacay Dadka Degaanada Doolow, Luuq iyo Beled xaawo ee Gobolka Gedo

85060cookie-checkFarmaajo Oo Saraakiil Beeshiisa Ah U Magacaabay Amaanka Madaxtooyada