Farmaajo Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Taliye Saldhig-Boliis

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Xil ka qaadis lagu sameeyay Madaxa Saldhigga Boliiska Degmada Hodan, kadib markii ay dacwad Ka gudbisay Xildhibaanad ka tirsan Taageerayaasha jidbeysan ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, waxaana xiisadani soo fara geliyay Farmaajo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Madaxii Saldhigga Boliiska Degmada Hodan Daa’uud Axmed Xilka laga qaaday kadib markii ay cabasho ka gudbisay Xikdhibaanad Ubax Tahliil, Sarkaalkaan ayaa joojiyay dhisme ka socday Dhul dan guud ah uu yaal Degmada aysan dhisaneysay Xikdhibaanada, waxeyna toos ugu tagtay Farmaajo si cabashadeeda wax looga qabto.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa ah muxaafad weyn oo ka tirsan Baarlamaanka, waxeyna aad uga dhax muuqata haweenka HG Ee taageera Farmaajo, iyadoo wacdaro ka dhigto kulama Beesha Habar Gidir, Xogta ayaa sheegtay in Xildhibaanada loo madax-baneeyay iney la timaado taliye cusub oo u hirgeliya dhismaha ay ka waddo dhul danguud ah oo ku yaalla degmadaasi.

107580cookie-checkFarmaajo Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Taliye Saldhig-Boliis