Ma Dhabaa In Gadiid Dagaal & Saanad Loo Daabulay Cabudwaaq

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com News u xaqiijiyay in Tiro Gaadiid Dagaal, Saanad iyo Sahay la sheegay in Madaxweynaha uu u daabulay degaanka Balanbale iyo Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galguduud, waana degaanka uu ka soo jeedo Mr.Farmaajo isagoo ku dhiiraday inuu hubeeyo Beeshiisa….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Tiro Gadiidka gaashaman Ee dhowaan Dowladda Turkiga ugu Deeqday Ciidamada Ururka Gorgor iyo Saanad laga dejiyay garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Cabudwaaq oo dhowaan uu garoon Diyaaradeed ka hirgeliyay, waxaana la sheegay in Hubkaan loo qeybiyay Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan ee degaanka Balanbale iyo Cabudwaaq, si ay u weeraraan Beelaha deriska la ah.

Gaadiid Dagaal, lamana shaacin sababta xiligaan kala guurka ay Maamulka Fashilmay ee Farmaajo u geeyay Degmada Caabudwaaq, balse waxey u badan tahay iney siyaasad ka dambeyso iyo dib u soo nooleyn dagaal beeleedka.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Farmaajo markii uu yaqiinsaday inaan dib loo soo dooran doonin ayuu go’aansaday inuu hubeeyo Maleeshiyaadka Beeshiisa si ay dhul balaarsi u bilaabaan isla markaasna u barakiciyaan Beelaha dariska la ah, horey ayuu hub, saanad iyo ugu daabulay Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo.

107490cookie-checkMa Dhabaa In Gadiid Dagaal & Saanad Loo Daabulay Cabudwaaq