Mareykanka Oo Soo Tarxiilay Soomaali

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa ugu yaraan 70-qof oo Soomaali ah ayaa laga soo masaafuriyay maalintii jimcihii la soo dhaafay, kadib markii ay ku fashilmeen dacwado magan-geliyo doon ah oo ay u gudbiyeen Waaxda Socdaalka USA….

Madaxweynaha Dowladda Mareykanka oo muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Mr.Donald Trump oo kale hore soo rogay sharciyo adag oo lidi ku ah soo galootiga, waxaana la sheegay in Sharcigaasi uu nolosha ku adkeeyay malaayiin qaxooti ah oo u kala Dhashay Dadka Latinos-ka ah kuwa Madow.

Wararka ayaa sheegay in 70-kaan qof Ee Somalia ka soo jeeda ay qaarkood ku noolaayeen dalkaasi muddo 30-sanadood ah, waxaana lagu soo daabulay diyaarad ay kireysan Dowlada Mareykanka, iyadoo ay ka soo ambabaxday diyaaradaani Magaalada Louisiana, waxeyna ku soo jeeday Magaalada Nairobi Dalka Kenya.

Iyadoo lagu wado in diyaarad loo kireeyo Soomaalida kadibna laga soo dejiyo Magaalada Mogadishu, Dadkaan ayaa qaarkood ay sheegeen inaan fursad loo siinin iney alaabtooda iyo hanti ah ku soo uruursadaan, waxeyna la kulmi doonaan dadkaan isqab-qabsiga Ee Siyaasadeed Ee joogtada ah iyo khatarta Kooxaha argagixisada Ee Shababka Iyo Daacishta Somalia.

87510cookie-checkMareykanka Oo Soo Tarxiilay Soomaali