Qaramada Midoobay Oo Digniino ka soo saaray Xaalada Nafaqo-darrada Dalka

Somalia news

Qaramada Midooba oo soo saartay Warbixin ayaa ku shaacisay in malaayiin qof oo ku nool gudaha Dalka Somalia iney wajahayaan macaluul iyo gaajo ba’an kadib markii ay dalka ka dhacday abaartii ugu darnayd mudda ku siman 40 sano…

Warbixintaan cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in nus milyan carruur ah oo ka yar 5 sano ay halis ugu jiraan iney Somalia ku geeriyoodaan bartamaha sanadka soo socda, Ku dhowaad kala bar dadka ku nool Somalia ayaa sidoo kale waxa soo wajahday gaajo daran sid ay sheegtay Qaramada Midoobay.

In ka badan 5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano ayay sidoo kale Qaramada Midoobay sheegtay in ay hayso nafaqo-darro baahan.

Dhanka kale, Boqol iyo konton qoys oo ka soo barakacay dabayaaqadii bishii hore ee Oktoobar colaadda ka jirta Gobollada Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Bay ayaa xaalad cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ku wajahaya xerada Filibiin oo ku taalla deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

225640cookie-checkQaramada Midoobay Oo Digniino ka soo saaray Xaalada Nafaqo-darrada Dalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com