Maamulka Somaliland oo Xaraashtay Hantidii Qaranka iyo Villa Somalia oo Indhaha ka qabsaday..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe xaraash iyo dhul boob uu ka wado magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera Maamulka Muuse Biixi, si dhaqaale buuran ugu helo abaabulka Dagaalka uu ku doonaayo inuu xoog dib ugu soo ceshado Degmada Buuhoodle, Gobolka Sool iyo Bariga Gobolka Sanaag…

Xogo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Dhisme dheer oo Qaranka Soomaaliyeed lahaa oo magaalada ka dhisneyd burburin lagu bilaabay habeen hore, iyadoo Wararku ay sheegayaan in Dhismahaan Maamulka Somaliland ay ka iibiyern Ganacsato degaanka ah si dhaqaalaha ka soo baxa loogu maalgeliyo dagaal sokeeye degaanada Bariga.

Horey ayeey Hantidhowraha Qaranka Maamulka Xasan Gurguurte ugu eedeeyeen in Maamulka Puntland ay iibiyeen Xeryihii Ciidamada ee Kabida iyo Daraawiishta Qaranka Soomaaliyeed Ganacsato, iyadoo ay sheegeen in lagu maalgeliyay Dekeda Garacad ee Gobolka Mudug.

Ayaan darro Maamulka Villa Somalia Balse Marna ma soo hadal qaadin ka hadalka wixii Maamulka Somaliland ay 33-sano la maqneyd, barakicin Shacbiga Konfurta ee laga soo tarxiilay degaanada Waqooyiga iyo ku takri falka Hantidii Qaranka ee Gobolada Waqooyiga, ku darsoo Abaabulka beeleysan ee hadda Maamulka Hargeysa oo uu fara kula jiro qorshe guracan oo Dhul boob is balaarin iyo barakicin cusub.

277190cookie-checkMaamulka Somaliland oo Xaraashtay Hantidii Qaranka iyo Villa Somalia oo Indhaha ka qabsaday..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com