Fashilka Siyaasadeed Ee Farmaajo Oo Gabaabsi Ah

Somalia news

Laga soo bilaabo 8-Febaraayo, markii Muddo xileedka uu ka dhamaaday Madaxweynaha Xiligaan, waxaana Xarunta Madaxtooyada la sheegay in suuq geynteedii beeca siyaasadda ay noqotay mid kacsan oo aan Sal-baraalan laheyn, waxeyna u Diiday harsi iyo hoyaad, kadib guuldarooyin xiriir ah oo qorshayaashii dib u Doorashada ay soo food saartay Mr.Farmaajo….

Wixii ka dambeeyay talaabooyinkaasi khaldan Kadib waxey bilaawday Villa Somalia in barteeda Twitter-ka oo ay ku gudbiso go’amadeeda ay ku iclaamineyso kulan ay iskugu imaanayan madaxda dawladda FS & Dawlad gobaleedyada iyadoo aan lagala tashan dhinacayada ay talada kala dhaxeyso, taasoo horseeda in Baaqyadaasi aysan helin dhego u nugul.

Bartimihii bishan Baydhabo waxay u ahayd madal laga filayay horumar wanagsan inay ku gaaraan guddiyo Farsamo oo kasocday DFS & Dawlad gobaleedyada oo dhan, si xal looga gaaro qodobada is-heynta badan kalifay oo ay kamid ahaayeen Xiisada Gobolka Gedo & Guddiyada doorashada, Puntland & Jubbaland oo ahaa labada maamul ee cabashada qabay ayaa qeyb ka noqday is afgarad wadajir ah oo ay dhinacyadu ku gaareen kualnkii Dhuusa-Mareeb.

Ayaan darro iyo talo xumo ka timid Villa Somalia ayaa saqdii dhexe Ee 19-kii Bishaan Waxaa la amray in la wareero ilaalada Madaxweynayaashii hore oo ku sugnaa Hoteelka Maa’ida si ay uga qeyb galaan Banaanbaxyo Nabadeed, talaabadaan ayaa god ku riday in La saxiixo Heshiiskii is-afgaradka Ee Magaalada Baydhabo lagu gaaray.

Xiligaan ayaa waxaa ka taagan Villa Somalia isku dhex yaac, iyadoo culeysyadii siyaasadeed ee Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ku soo biireen Kuwa Midowga Musharixiinta oo Banaanbaxyo ku cabsi geliya iney dhigayaan 26-ka Bisha, waxeyna u muuqataa In rajadii dib u soo noqoshada ay god dheer ay ku dhacday, islamarkaana lagu xasuusan doono Mr.Farmaajo Madaxweynihii Cunaqabateeyay Caasimadda Mogadishu.?

97770cookie-checkFashilka Siyaasadeed Ee Farmaajo Oo Gabaabsi Ah