Ciidamada Kenya oo Ku Raad Jooga Maleeshiyad Weerar ka Fuliyay Farsiimo Boliis..

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa laga helayaa weerar ay koox ka tirsan Maleeshiyaadka Argagixisada Shababka ka fuliyeen farsiin ay lahaayeen Ciidamada Boliiska magaalada Mandheera ee Dalka Kenya isla markaasna ka baxsaday, falkaan ayaa dhacay aroortii hore ee maalintii Jimcaha aheyd…

Iyadoo Wararku ay sheegayaan in Weerarkaan ay fuliyeen ku dhawaad 20-Maleeshiyo oo aad u hubeysan, kuwaasoo la sheegay iney ku soo dhawaadeen Xerada Ciidamada (Quick Response Unit) ee Ciidamada Birmadka ee degaanada Waqooyi-bari Kenya, Dableydaan ay meel fariisinka u jirta 100-mitir ka rasaaseeyeen ka hor inta aysan iska caabin, Xoogaga Amaanka ma sheegin khasaaraha ka soo gaaray.

Dhacdooyinkaan ku dhufo ee ka dhaqaaq ee Xeryaha Ciidamada ayaa joogto ka noqday Degaanada Lamu, Gaarisa, Wajer iyo Mandheera, ujeedada ka dambeysa ayaa ah sidii Ciidamada uga bixi lahaayeen Degaanada Somalida/Kenya, bishii Agusut ee Sanadkaan ayaa sidoo kale weeraro lagu qaaday Xerada Elram oo ay Degan yihiin Guutada ASTU ee u xil saaran ka hortaga Argagixisada.

297280cookie-checkCiidamada Kenya oo Ku Raad Jooga Maleeshiyad Weerar ka Fuliyay Farsiimo Boliis..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com