FIFA Oo Faro Gelisay Xiriirka..

Uncategorized

Xiriirka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa soo gabagabeyay faragalin lix bilood ah oo ay ku hayaan guddiga kubada cagta ee qaarada Afrika.
FIFA ayaa si hufan ula wareegtay socodsiinta kubbadda cagta Afrika kadib markii fadeexado musuqmaasuq ah ay la dageen xiriirka Kubadda Cagta Afrika (Caf) sanadkii hore.

FIFA waxay xaqiijisay Ahmad Ahmed, oo ah madaxa CAF, horeyma usoo noqday wasiir dalka Madagascar, ay baarayaan guddiga anshaxa, kadib markii loosoo jeediyay eedeymo musuq maasuq inkasta oo aan shaqada laga joojin.

Ahmad ayaa sidoo kale muddo kooban la xidhay oo ay hayeen masuuliyiinta Faransiiska bishii June taas oo qayb ka ahayd baadhitaanka musuqmaasuqa.

FIFA Kuwaas ayaa abuuraysa koox garsoorayaal xirfadlayaal ah, oo ay maalgelinayaan xidhiidhkooda iyada oo lala kaashanayo xidhiidhka Caf iyo in $ 1 bilyan oo doollar lagu maalgaliyo kaabayaasha ciyaaraha, oo ay ku jiraan garoomada, dhammaan 54-da urur ee xubnaha ka ah Afrika.

Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in la abuuro horyaal Afrika ah, sida horyaalka kubbadda cagta haweenka, qaybaha dhallinyarada iyo tartamada xulalka. Sidoo kale qorshaha maamul-wanaaga ciyaaraha.

14940cookie-checkFIFA Oo Faro Gelisay Xiriirka..