Maxaa Sabab u ah Ugaarsiga Kooxda Shababka ee Muwaadiniinta Turkiga ee ku Sugan Somalia..

Somalia news World

Laga soo bilaabo markii Shirkad Turki ah ku guuleysatay iney dhisto Wadada isku xirta Mogadishu-Afgooye ayaa la tilmaamay inuu bilaawday Ugaarsi Maleeshiyaadka kooxda Shababka Ugaarsiga Muwaadiniinta Turkida, iyadoo 28-dii December 2019-kii la dilay 2-Injineer oo wada Dhisaayay…

Falalkaan Beegsiga ah ayaa u dambeeyay Dilkii Samafale Turgi ah (Abdurahman Yörük) oo ahaa Madaxa Ururka Verenel oo gargaar u waday Xero Barakacayaal oo duleedka Magaalada Mogadishu ku taal, iyadoo hareeraha wadada loo geliyay Miino soo booda ah haleeyshayna mid ka mid ah Gadiidkii Gargaarka waday, waxaana ku geeeiyoodeen 2-Qof oo Midi Turki yahay halka kan kale Soomaali yahay.

Kooxda Argagixisada Shababka oo kasoo horjeeda taageerada Turkiga ee Dowlada Federaalka ayaa qaaday weeraro qorsheysan oo galaaftay nolosha tiri Muwaadiniin Turki ah oo shaqooyin Rayid ah ka waday, iyadoo Horgalada Kooxda argagixisada Shababka qoraal ay soo saareen ku diiday Heshiisyada Difaaca iyo Sahmin Shidaalka ee Somalia iyo Turkiga, iyagoo cadeeyay iney awoodooda isugu geyn doonaan sidii ay u hor istaagi lahaayeen hirgelinta Heshiisyada.

319620cookie-checkMaxaa Sabab u ah Ugaarsiga Kooxda Shababka ee Muwaadiniinta Turkiga ee ku Sugan Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *