Naftii-halige Isku Qarxiyay Xerada Ciidamada Qeybta 77 ee Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa in qarax xoogan oo laga maqlay inta badan Magaalada oo Fal Ismiidaamin uu goordhow ka dhacay qeybo kamid ah degmada Deyniile ee Gobolka Benaadir, kaasoo ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawacyo kala duwan…

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxa ayaa fasiraad kala duwan laga bixiyay, iyadoo kuwo qaar ay sheegayaan in Nafti-haligaha Ismiidaamiyay uu gudaha u galay xerada Ciidamada 77, halka warar kale ay tibaaxayaan in banaanka xerada uu ku qarxay kadib markii laga shakiyay Nafti-haligaha.

Waxaa lasoo sheegay inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxan, balse waxaa adag in la helo xogta rasmiga ah, Iyadoo Ciidamada Xerada iyo kuwo gurmad ah sy isku gedaameen halkaasi, waxaana goobta gaaray Gaadiidka Ambalasta ee gurmadka deg deg ah.

287360cookie-checkNaftii-halige Isku Qarxiyay Xerada Ciidamada Qeybta 77 ee Magaalada Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com